| Fadlan marka hore geli meesha username guest meesha password guest. Kadibna waxaa kuusoo baxaya User Nenu. Ka dooro linkiga Submit News. Sii aqri qoraalkan si aan kuugu sii sharaxo. | |
| Read more... |
Dowlad Goboleedka Puntland oo loo samaynayo Ciidamo la dagaallama Burcad Badeedda
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay sameysto Guddi heer Qaran a | Currently Discussed.. |
| Topics | By | Category | Date | ||
![]() | Ma Qabtaa Wax Su'aal ah? | guest | Dhismaha | 21-04-09 13:09 | |
![]() | Kooxdee qaadeysa Champions League? | guest | Wararka Cusub | 21-04-09 12:28 | |
![]() | Waa sidee Siyaada TFGd? Ma dhabaa Share... | guest | Politics - Siyaasadda | 20-04-09 21:10 |
| Seddex Nin oo habeen hore laga af-duubay Magaalada Beledweyne oo dib u helay xorayaddoodii |
|
|
|
| Written by Guest | |
| Monday, 20 April 2009 | |
|
Axad, April 19, 2009(HOL): Waxaa xalay la sii daayay Seddex nin oo rayid ah kuwaas oo kooxo hubeysan habeen hore ka qafaasheen guri ay ka deganaayeen Magaalada Beledweyne, kadib markii sida uu HOL u sheegay mid ka mid ah ragga la sii daayay lagu waayay sababihii loo qabtay. Inkastoo uu diiday in magaciisa la soo xigto ayaa haddana waxaa uu HOL uga waramay shaqsiga ka tirsanaa ragga la af-duubay qaabka loo qafaashay, halka lagu xiray, iyo waliba Su'aalaha markii danbe la weydiiyay, waxaana uu yiri " Annaga oo jiifna Guriga ayaa waxaa inoo soo galay rag hubeysan, waxaana ay nagu amreen Aniga iyo waliba raggii kale ee ila xirnaa in aynu soo raacno gaari yar oo dibadda guriga u yiilay, intaas kadibna amarka ayaa qaadanay, waxaa nala geeyay Guri ka tirsan Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne oo halkaa oo su'aalo dhowr ah nalagu weydiiyay.Waxaa uu intaas ku daray in su'aalihii ugu badnaa ee la weydiiyay ahaayeen bal in ay ka tirsan yihiin Jabhadda ONLF ee ka dagaalanta gudaha dalka Itoobiya, laakiin waxeynu u sheegnay ayuu yiri in arrimahaa aynu wax shaqo ah ku laheyn. Ugu danbeytii waxaa ay inoo sheegeen in aynu fasaxnahay maadaama nalagu waayay arrimihii naloo soo qabtay, intaa kadibna waxaan dib ugu soo laabanay hoygii markii hore nalaga kaxeeyay ayuu intaa sii daba dhigay. Mas'uuliyiinta Maamulka Goballka Hiiraan gaar ahaa kuwa u qaabilsan dhinaca Nabad-galyada ayaa waxaa ay ka gaabsadeen in ay tafaasiil dheeraad ah ka bixiyaan sababihii markii horeba loo qabtay dadka rayidka ah, laakiin waxa ay sheegeen in wali baaritaan socdo. Waa markii ugu horreysay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Maxkamaduhu la wareegeen Maamulka Goballka Hiiraan dad rayid ah, laguna eedeeynayo in ay ka tirsan yihiin Jabahadda ONLF in laga dhax qafaasho gudaha Magalada Beledweyne, waxaana ay arintani tuhun iyo waliba shaki aan yareyn ku dhalisay dadka caadiga ah ee ku dhaqan Magaalada Beledweyne. C/raxmaan diini, Hiiraan Online Comments (1)
![]() written by xasan Daahir, April 20, 2009
Yaa afduubay ragga? Maxaase keenay in la afduubo markeedii hore? anigu maba fahmin sababta ragga loo afduubay. Haddii aanan dan weyn laga laheyn maxaa loo afduubaa? meesha burcad badeedkii shaqadoodii ayaa la bilaabay miyaa?
Write comment
Copyright 2007. All Rights Reserved. |
|
| Last Updated ( Monday, 20 April 2009 ) |
| < Prev | Next > |
|---|
| Currently Discussed.. |
| Topics | By | Category | Date | ||
![]() | Ma Qabtaa Wax Su'aal ah? | guest | Dhismaha | 21-04-09 13:09 |