| Haddii aad dhowaan iigu soo dirtay su'aallo emalkayga oo aan kuusoo jawaabay, waxaa suurto gal ah inaadan helin jawaabtaas taaso ay ka dambeysay Hotmail. Sababta keentay in aadan helin jawaabtii aan kuu soo diray ayaa noqo karta in Hotmailka spam filterkeeda uu toos emailkayga ugu gudbiyo SPAM-ka. | |
| Read more... |
| Currently Discussed.. |
| Topics | By | Category | Date | ||
![]() | Ma Qabtaa Wax Su'aal ah? | guest | Dhismaha | 21-04-09 13:09 | |
![]() | Kooxdee qaadeysa Champions League? | guest | Wararka Cusub | 21-04-09 12:28 | |
![]() | Waa sidee Siyaada TFGd? Ma dhabaa Share... | guest | Politics - Siyaasadda | 20-04-09 21:10 |
News-Warka
Dowladda Itoobiya oo sheegtay in aysan ka laaban doonin ballanqaadkeedii ahaa in ay taageereyso Dowl | Dowladda Itoobiya oo sheegtay in aysan ka laaban doonin ballanqaadkeedii ahaa in ay taageereyso Dowl |
|
|
|
| Written by Guest | |
| Monday, 20 April 2009 | |
|
Isniin, April 20, 2009(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen ayaa shaaca ka qaaday in Dowladdiisa ay ka dhabeyneyso ballanqaad ay horay u sameysay oo ahaa in ay caawineyso Dowladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa hadalkan jeediyay kadib wada hadallo uu magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke iyo ku xigeenkiisa Shariif Xasan Shiikh Aadan. “Dowladda Itoobiya iyo IGAD waxay sii wadi doonaan in ay la shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya si ay u soo celiso Nabaddii iyo xasiloonidii Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen. Wasiirka oo sii hadlayay waxaa uu tilmaamay baahida loo qabo in la abuuro xaalad ay dadka Soomaaliyeed ku xalin karaan arrimaha dhexdooda ah, wuxuuna caddeeyay in taasi ay ugu yeereyso Beesha Caalamka, IGAD iyo AU in ay ku caawiyaan dadka Soomaaliyeed sidii ay arrimahooda u xalisan lahaayeen. “Beesha Caalamka waxaa looga baahan yahay in ay sameyso wax badan si ay u caawiso Dowladda Soomaaliya”ayuu mar kale yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen oo soo hadal qaaday dhibatada ay kooxaha burcad badeedka ku hayaan Xeebaha Soomaaliya. Waxaa uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya in dhibaatada burcad badeedka lagu xalin karo kaliya iyadoo la dhiso hay’adaha Ammaanka ee Soomaaliya, si gaar ahna wuxuu u xusay Ciidamada Badda Soomaaliya. Ugu dambeyntiina, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen waxaa uu sheegay in dhawaan la qaban doono shir taageero dheeraad ah loogu raadinayo Dowladda Soomaaliya, iyadoo taageeradaasna la warsanayo Beesha Caalamka. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online Comments (2)
![]() written by ALVAREZLOUISA, June 21, 2010
I think that to get the http://www.lowest-rate-loans.com from creditors you should have a great motivation. Nevertheless, once I have received a term loan, because I wanted to buy a house.
Write comment
Copyright 2007. All Rights Reserved. |
|
| Last Updated ( Monday, 20 April 2009 ) |
| < Prev | Next > |
|---|
| Currently Discussed.. |
| Topics | By | Category | Date | ||
![]() | Ma Qabtaa Wax Su'aal ah? | guest | Dhismaha | 21-04-09 13:09 |