tusmo.iidhis.com

  • Decrease font size
  • Default font size
  • Increase font size
  • default color
  • red color
  • green color

Isniin, April 20, 2009(HOL): Dadkii ka barkacay Magaalada Muqdisho ee deegaannada ka sameystay in u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay ka codsanayaan Hay’adaha Samafalka iyo Shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax heysta in ay gargaar deg deg ah la soo gaaraan.

Read more...
 
Home arrow News-Warka arrow Samafayaal lagu af-duubtay Bakool oo dadaal loogu jiro sidii loo sii deyn lahaa
Samafayaal lagu af-duubtay Bakool oo dadaal loogu jiro sidii loo sii deyn lahaa PDF Print E-mail
Written by Guest   
Monday, 20 April 2009
Isniin, April 20, 2009(HOL): Waxaa dadaal loogu jiraa sidii loo sii deyn lahaa labo samafayaal ah oo u shaqeynayay Hay’adda MSF-Belgium, kuwaasi oo shalay ay kooxo hubeysan ka qafaasheen inta u dhaxeysa Xudur iyo Rabdhuurre oo Gobolka Bakool ka tirsan.

Odayaal, Waxgarad iyo Saraakiil ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidii Samafalayaashas oo u kala dhashay Dalalka Belgium iyo Holland loo sii deyn lahaa, waxaana rajo laga muujinayaa in samafalayaashaas ay xoriyaddooda dib u helaan.

Samafalayaashan ayaa shalay markii la af-duubanayay waxay ka soo laabteen socdaal sahan ah oo ay ku tageen deegaanno ka tirsan gobolka Bakool, gaar ahaan deegaanno hoos-yimaada Deegaanka Rab-Dhuurre.

Bishii hore ayay ahayd markii afar samafale oo u shaqeynayay Hay’adaha UNDP iyo WFP lagu af-duubtay Duleedka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, inkastoo dadaal ay sameeyeen Odayaasha Deegaanka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Al-Shabaab lagu sii daayay Samafalayaashaas.

Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in ku dhawaad 35 shaqaale ah looga dilay Soomaaliya, sidoo kalena 26 shaqaale ah looga af-duubtay dalka Soomaaliya oo aan dowlad awood leh yeelan tan iyo sanadkii 1991-kii.

Shaqaalaha lagu dilay Soomaaliya waxaa ka mid ahaa seddex u shaqeynayay Hay’adda MSF, Dhaqtar Keynya u dhashay, Nin Faransiiska u dhashay oo isu duwidda u qaabilsanaa  iyo weliba darawalkoodii, waxaana dhamaan shaqaalahaas lagu dilay qarax Miino xili ay howlo caafimaad ka wadeen Isbitaalka Magaalada Kismaayo sanadkii 2008.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Comments (0)Add Comment

Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
Smiley
Smiley
Smiley
Smiley
Smiley
Smiley
Smiley
Smiley
Smiley
Smiley
Smiley
Smiley

Copyright 2007. All Rights Reserved.
busy
Last Updated ( Monday, 20 April 2009 )
 
< Prev   Next >

Sport News


Warning: getimagesize(http://i.media.goal.com/g/47412_news.jpg) [function.getimagesize]: failed to open stream: HTTP request failed! HTTP/1.0 404 Not Found in /home/iidhisco/public_html/tusmo/modules/mod_globalnews/php/functions.php on line 27
Arshavin Not Happy with Four Goals Against Liverpool
Tuesday, 21 April 2009

Warning: getimagesize(http://i.media.goal.com/g/39998_news.jpg) [function.getimagesize]: failed to open stream: HTTP request failed! HTTP/1.0 404 Not Found in /home/iidhisco/public_html/tusmo/modules/mod_globalnews/php/functions.php on line 27
Alonso Certain Liverpool Must Win Last Six Games
Tuesday, 21 April 2009

Warning: getimagesize(http://i.media.goal.com/g/41808_news.jpg) [function.getimagesize]: failed to open stream: HTTP request failed! HTTP/1.0 404 Not Found in /home/iidhisco/public_html/tusmo/modules/mod_globalnews/php/functions.php on line 27
Ferguson To Buy Kaka
Tuesday, 21 April 2009

Warning: getimagesize(http://i.media.goal.com/g/46756_news.jpg) [function.getimagesize]: failed to open stream: HTTP request failed! HTTP/1.0 404 Not Found in /home/iidhisco/public_html/tusmo/modules/mod_globalnews/php/functions.php on line 27
Fernando Torress: Man U will not win any titles this year
Tuesday, 21 April 2009
Currently Discussed..
TopicsByCategoryDate
Ma Qabtaa Wax Su'aal ah?guestDhismaha21-04-09 13:09