| Isniin, April 20, 2009(HOL): Waxaa dadaal loogu jiraa sidii loo sii deyn lahaa labo samafayaal ah oo u shaqeynayay Hay’adda MSF-Belgium, kuwaasi oo shalay ay kooxo hubeysan ka qafaasheen inta u dhaxeysa Xudur iyo Rabdhuurre oo Gobolka Bakool ka tirsan. | |
| Read more... |
| Currently Discussed.. |
| Topics | By | Category | Date | ||
![]() | Ma Qabtaa Wax Su'aal ah? | guest | Dhismaha | 21-04-09 13:09 | |
![]() | Kooxdee qaadeysa Champions League? | guest | Wararka Cusub | 21-04-09 12:28 | |
![]() | Waa sidee Siyaada TFGd? Ma dhabaa Share... | guest | Politics - Siyaasadda | 20-04-09 21:10 |
News-Warka
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay sameysto Guddi heer Qaran a | Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay sameysto Guddi heer Qaran a |
|
|
|
| Written by Guest | |
| Monday, 20 April 2009 | |
|
“Waxaan ugu baaqayaa Madaxweyne Shiikh Shariif, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo weliba Xildhibaannada Baarlamaanka in ay sameeyaan guddi soo baara Dembiyadii ka dhacay Soomaaliya, isla markaana ciddii ay ku caddaato in ay dembiyo gashay maxkamad heer qaran ah la soo taago”ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan waxaa kale oo uu ku baaqay in iyana maxkamad caalami ah la soo joojiyo Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush, Ku xigeenkiisii Dick Jenny, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Seyoum Mosfen, kuwaasi oo uu sheegay in ay dembiyo ka galeen Soomaaliya, gaar ahaan sanadihii ugu dambeeyay. Dhanka kalena, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu soo dhaweeyay go’aankii uu dhawaan ku gaaray Baarlamaanka Soomaaliya in Dalka Soomaaliya lagu xukumo Shareecada Islaamka, wuxuuna ku taliyay in go’aankaas ficil loo bedelo, isla markaana loo saaro culumaa’udiin aqoon fiican u leh in ay sameeyaan Dastuur Shareecada Islaamka ku qotoma si buu yiri loogu saleeyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka Arrimaha Bulshada, Nabadeglyada, Cadaaladda iyo Dhaqaalaha. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online Comments (0)
![]() Write comment
Copyright 2007. All Rights Reserved. |
|
| Last Updated ( Tuesday, 21 April 2009 ) |
| < Prev | Next > |
|---|
| Currently Discussed.. |
| Topics | By | Category | Date | ||
![]() | Ma Qabtaa Wax Su'aal ah? | guest | Dhismaha | 21-04-09 13:09 |