| Isniin, April 20, 2009(HOL): Waxaa dadaal loogu jiraa sidii loo sii deyn lahaa labo samafayaal ah oo u shaqeynayay Hay’adda MSF-Belgium, kuwaasi oo shalay ay kooxo hubeysan ka qafaasheen inta u dhaxeysa Xudur iyo Rabdhuurre oo Gobolka Bakool ka tirsan. | |
| Read more... |
| Currently Discussed.. |
| Topics | By | Category | Date | ||
![]() | Ma Qabtaa Wax Su'aal ah? | guest | Dhismaha | 21-04-09 13:09 | |
![]() | Kooxdee qaadeysa Champions League? | guest | Wararka Cusub | 21-04-09 12:28 | |
![]() | Waa sidee Siyaada TFGd? Ma dhabaa Share... | guest | Politics - Siyaasadda | 20-04-09 21:10 |
News-Warka
Ururka Al-Islaax oo soo dhaweeyay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in Shareecada Islaamka l | Ururka Al-Islaax oo soo dhaweeyay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in Shareecada Islaamka l |
|
|
|
| Written by Guest | |
| Monday, 20 April 2009 | |
|
Warsaxaafadeedka uu soo saaray Ururka ayaa waxaa lagu sheegay in ku dhaqanka shareecada Islaamka la’aanteed aan Soomaaliya loo heli karin Dowlad taaba-gasha, “Sidaas darteed, Xarakadu waxey si wayn u soo dhowaynaysaa una taageeraysaa go’aanka Barlamaanku ku gaaray ku dhaqanka Shareecada, 18/04/2009. Dhab ahaantii, waa arrin taariikhi ah oo lagu midaynayo Islaamka iyo dawladnimada, aduunyada iyo aakhirada. Waa maalin laga guuray qaab-dawladeedkii gumeysiga laga dhaxlay, loona guuray qaab dadka Somaaliyeed oo 100% Musklimka ahi ay leeyihiin”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka uu soo saaray Ururka Al-Islaax. Si loo taabageliyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka ayuu Ururuka soo jeediyay dhowr qodob oo talo ah, kuwaasi oo kala ah: In la sameeyo hay’adda isku-dubaridka iyo is-waafajinta qawaniinta dawladda iyo Shareecada, Hay’daas oo aqoonyahannada qawaaniinta iyo diinta lagu kulminayo. In culimada waa wayn ee dalka laga wada qaybgeliyo hawshaasi si looga fogaado inay u ekaato arrin kooxeed iyo mashruuc gaaban oo siyaasadeed laga leeyahay. Iyo In laga faa’idaysto khibradaha iyo waayo-aragnimada laga kasbaday dawladaha Islaamka iyo cilmi-baarista arimahaas laga sameeyay. “Ururka Al-Islaax wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inuu si buuxda u taageero dhaqangelinta Shareecada Islaamka, sidoo kalena khilaafaadka jira lagu xaliyo is waafaqsan Shareecada Islaamka”ayaa mar kale lagu yiri Warsaxaafadeedka uu soo saaray Ururka Al-Islaax. “Ugu dambayntiina, waxaan Ilaahay ka baryaynaa inuu na gaarsiiyo dadka Somaaliyeed oo nabad ah, heshiis ah, xarigga diintoodana wada haysta. Waxaa kale oo aan Ilaahay ka baryaynaa dawlad iyo shacab ka midaysan wanaag samaynta iyo xumaan reebidda” ayaa lagu soo gunaanaday Warsaxaafadeedka uu soo saaray Ururka Al-Islaax oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Ururka Dr. Cali Baashi Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online Comments (0)
![]() Write comment
Copyright 2007. All Rights Reserved. |
|
| Last Updated ( Monday, 20 April 2009 ) |
| < Prev |
|---|
| Currently Discussed.. |
| Topics | By | Category | Date | ||
![]() | Ma Qabtaa Wax Su'aal ah? | guest | Dhismaha | 21-04-09 13:09 |